Masuuliyiin katirsan DF Somalia,oo Ankara kula Kulmay Madax ka Tirsan Turkiga’

Magaalda Ankara ee dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdi Xaaashi  iyo Mas’uuliyiin kale,waxayna kulamo la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga .

Wasiirka oo uu wehlinayay Danjiraha Soomaliya u fadhiya dalka turkiga  danjire Jamac Cabdullahi Maxamed Caydiid , Senator  Ilyas Cali Xasan iyo lataliyaha Wasiirka   ayaa la qaatay kulamo kaladuwaan Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga Mudane Nihat Zeybeci iyo madaxa  hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar  Cam.

Wasiirka ayaa kala hadlay  Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga madane Nihat Zeybeci  intii uu socday shirka sidii  loo hormarin lahaa kalluumeysiga Soomaliya,maadaama dowladda Somaaliya ay baahiweyn u qabto ka faa’idaysiga kheyraadka dalka,Si dowladda Soomaliya iyo maamul Goboleedyada ay uga faa’idaystaan kheyraadka wadanka uu leeyahay  , shaqo abuurna loogu sameeyo dhalinyarda shaqo la’aanta ah  ee ku nool wadanka gudihiisa  .

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdi Xaaashi  iyo madaxa hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar  Cam ayaa ka wada hadlay  intii uu shirka socday sidii ay TiKa uga caawin laheyd qalabka kalluumeysiga kalluumeysatada Soomaaliyeed,ugana hirgelin laheyd warshadaha kalluunka  gudaha Dalka Soomaaliya,si ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’idaystaan kheyraadka dalkooda.

Madaxa hay’ada TIKA Dr Serdar  ayaa si diiran u soo dhaweeyay kulanka Wasiirka  kuna tilmaamayy wax lagu farxo,ayna ka  go’antahay sidii ay uga hirgelin lahaayeen mashaariicy farabadan gudaha dalka Soomaaliya uguna horeeyo kheyraadka dalka uu leeyahay.

Senator  Ilyas Cali Xasan  oo ah Gud Gudiga Kheyraadka Qaranka Baarlamaanka Fedaaralka Somalia Aqalka Sare, ayaa shacabka iyo dowladda Turkiga ugu mahad celiyay sideey mar walbo u garab taagan yahiin dalka Somalia.

29186866 1730294593683378 1005190095801679872 N
29186866 1730294593683378 1005190095801679872 N
Ddd 1
Ddd 1
Dffzx 1
Dffzx 1
Eeeee
Eeeee
Eeeeeee 1
Eeeeeee 1
Sdsfd 1
Sdsfd 1
Wwwwww 1
Wwwwww 1