Gudoomiye Muudeey: “Mooshinka Laga Keenay Jawaari Waa Sharci BF Ayaa Go’aan ka Gaari Doono”

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Federaalka soomaaliya C/Wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo xalay Shir jaraa’id  qabtay ayaa sheegay inuu sharci darro yahay kulankii ay shalay yeesheen gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka wuxuuna tilmaamay in mooshinka laga keenay guddoomiye jawaari uu yahay mid sharci ah.

Muudeey ayaa xusay in markii ay isaga 107-xildhibaan mooshinka usoo gudbiyeen ay gudoomiyaha baarlamaanka ka wareegatay awoodii uu u lahaa inuu isugu yeero guddiyada joogtada ah wuxuuna xusay in Jawaari uusan xaq u leheyn inuu kulmiyo guddiyada ilaa mooshinka laga wado uu meel u dhacayo,

Kulan ay shalay magaalada muqdisho ku yeesheen guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka dalka ayeey ku sheegeen inuu fashilmay mooshinkii laga keenay guddoomiye Jawaari wexeyna xuseen in 16-xildhibaan ay ka noqdeen mooshinka sidaasna uu ku dhicisoobay,

Balse C/Wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay ineysan jirin xildhibaano usoo gudbiyay iney ka laabteen mooshinka wuxuuna xusay iney sharci tahay in mooshinka la horgeeyo golaha shacabka si iyagu ay go,aan uga gaareen oo cod loogu qaado hadii Jawaari uu sii hogaaminayo baarlamaanka iyo hadii kale,

Dhanka kale muudeey ayaa sheegay in mooshinka aan la joojin doonin isaguna uu la wareegi doona homgaaminta baarlamaanka ilaa cod looga qaadayo arinta Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari wax walba oo quseeya baarlamaankana qofka wax laga weydiinayo uu yahay isaga oo kaliya.