Afar Qodob Oo Loo Cuskaday Mooshinka Ka Dhanka Ah Guddoomiye Jawaari!

Guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa lagu eedeeyay qodobbo kala duwan, taas oo keentay in saaka uu la bilowdo mooshin ka dhan ah.

Xildhibaannada ku dhaggan guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay afartaan qodob ee hoos:-

1) ku xadgudubka xeer hoosaadka baarlamaanka.

2) Ku tagrifal awoodeed!

3) Hor istaagga dib u eegista dastuurka

4)fashil dhanka hoggaaminta baarlamaanka!

Qodobbadaas waa kuwa ay ku eedeeyeen xildhibaannada ka wada mooshinka gudddoomiye Jawaari kuwaas oo aaminsan islamarkaana ay ka go’an tahay in ay ¬†talaabo sharci ah ka qaadaan guddoomiyaha.