Fiqqi Oo Kashifay Sababta Lagu Heysto Guddoomiye Jawaarri

“Golaha shacabka oo shaqooyin waaweyn iyo go’aanno taariikhi ah oo umaddu ay ku diirsatay gaaray, waxa ku socda weerar abaabulan oo xafiisyo kale laga soo maleegay, hantidii qarankana lagu bixinayo, balse waxaan hubaa in uu ka badbaadi doono isku daygaas oo uusan cago badan lahayn.

Go’aankii u danbeeyey ee ku saabbsanaa shirkadda DP world ee golaha shacabku gaaray illaa iyo hadda lagama soo dhoweyn xafiisyada sare, mana aysan caddeyn mawqifkooda go’aankaas ku aadan.

Hawlihii golaha shacabka oo la isku dayayo in golayaal kale ay la wareegaan iyo abaabulka ah in la isku mashquuliyo dhexdiisa waxey ka marqaati kacaysaa in la doonayo in kaalinta golaha shacabka meesha laga saaro”

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqqi.