DEG DEG:- Madaxwaynaha Soomaaliland Oo U Safraya Imaaraadka Iyo Farmaajo Oo Qatar U Xir Xiranaya!!

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta u safrayaa dalka imaaraadka carabta kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda imaaraadka carabta.

Warfaafinta Madaxtooyada Somaliland ayaa xaqiijisay in madaxwaynaha maamulkaas uu u safrayo Imaaraadka,  waxaana safarkaas uu imaanaya xilli aad u xasaasi ah.

Dhowaan ayeey ahayd markii uu khilaaf xooggan soo dhex galay Soomaaliya iyo Soomaaliland kaas oo ku aaddanaa saami qeybsiga shirkadda DP World ee dekedda Berbera.

Isla todobaadkan waxaa la filayaa in uu Qatar aado madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo kaas oo isna wada hadallo iyo la sameyn doona shirar gooni gooni ah madaxda dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee safarka imaaraadka ee madaxwayne Biixi waxaa lagu sheegay in uu ahaan doono mid looga hadli doono iskaashiga labada dhinac iyo sidii laga yeeli lahaa arrinta muranka dhalisay ee shirkadda DP World.