DEG DEG:- Donald Trump Oo Casilay Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson

Madaxwaynaha dalka Mareykan ka Donald Trump ayaa xilka ka qaaday xoghayihii hore ee dalkaas mudane Rex Tillerson, waxaana lagu baddaly Mike Pompeo.

Xoghayaha cusub ee la magacaabay ayaa ahaa agaasimihii hore ee waaxda sirddoonka Mareykan ka ee CIA, waxaana uu ahaa saaxiib dhow oo Trump ay isla shaqeeyaan.

“Mahadsanid Mudane Tillerson, sida wanaagsan ee aad u shaqeysay,” ayuu Trump Twitter kiisa ku yiri isagoo caddeeyay sidoo kale in uu xilkaas ku wareejiyay Mike Pompeo.

Dhanka kale Trump ayaa u magacaabay Gina Haspel, agaasimaha CIA-da Mareykan ka, waana gabadhii ugu horreysay ee taariikhda xilkaas qabata.

Si kastaba ha ahaatee Tillerson ayaa ku guda jiray safar shaqo oo uu ku marayay qaaradda Afrika gaar ahaan gobolka geeska Afrika.