Aqalka Sare Oo War Kasoo saaray Weerarkii Guriga cabdiqeybdiid!

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Guddi u saaray Weerarkii dhamaadkii bishii December lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

Senator Cabdi Qeybdiid oo ka hadlayay kulankii Aqalka sare ee maanta ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn Guddigii Madaxweyne Farmaajo u magacaabay arrintiisa.

Aqalka sare oo u codeynaya in ay guddi baaris oo labada aqal ka kooban u magacaabaan arrinta Qeybdiid ama in Ra’isul wasaare Kheyre loo yeero oo arrinta wax laga weydiiyo.

Si kastaba ha ahaatee waa kulankii koobaad ee kalfadhigii saddex aad ee golaha aqalka sare soomaaliya ay yeeshaan, maaddaama todobaadkan ay kasoo noqdeen fasax dheer.