Ma Dhabbaa In Erdogan Iyo Putin Ay Kusoo Wajahan Yihiin Magaalada Muqdisho?!!

Madaxwaynaha Soomaaliya  ayaa isku diyaarinaya qaban qaaba xoogganna ugu jira sidii loo soo dhaweyn lahaa madaxda dalalka Ruushka iyo Turkiga ee Reccep Teyyip Erdogan iyo Vladamir Putin, kuwaas oo kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan dunida maanta.
Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa ku wajahan dalka Qatar ee saaxiibbada dhow ay la yihiin Soomaaliya, marka uu kasoo dhammaado waxaa lagu soo waramayaa in uu diyaarinayo casuummaad heer sare ah oo loo fidinayo madaxda qaar kamid ah waddamada ugu waa wayn adduunka.
Booqashada labada mas’uul ayaa ah mid muujineysa ahmiyadda uu yeelanayo gobolka geeska Afrika gaar ahaan dhulka ku teedsan bad waynta Hinddiya iyo gacanka Cadmeed, oo hadda ay isku harddinayaan dalalka Galbeedka, Carabta, Chine iyo Ruushka.
Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya ayaa yeelaneysa saaxiibbo siyaasadeed, waxaana horey u jiray Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ahayd Soomaaliya, haddii Ruushka lagu soo daro Soomaaliya waxa ay heleysaa saaxiibtinimo qota dheer oo wax wada qeybsi ah, sida ay qabaan dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya.