Jabhad Ka Dagaallanta Ukrain Oo Sabab Layaab Leh Ula Baxday Magaca Soomaaliya!!

Somalia Battalion, waa guuto ciidameed u qaabeysan qaab cajiib ah, leh ujeeddo iyo hadaf dagaal oo ay u dhimmanayaan, islamarkaana ay ku taagan yihiin, si kale waa koox iskeed isu dhawaaqday oo sheegta in ay difaacaan, ayna matalaan shacabka gobolka Donetsk ee Bariga dalka  Ukrain.
Kooxdan is abaabushay waxaa lagu xanta in uu Ruushka gadaal ka taakuleeyo, oo uu ku riixayo sidii ay u fulin lahaayeen damaca siyaasadeed ee Moscow ay ka leedahay dhammaan gobollada looga hadlo luuqadda Ruushka ee dhaca Bariga Ukrain.
Mikhail Tolstykh oo caan ku ahaa magaca  “GIVI” ayaa ahaa taliyihii iyo abaandduulaha maleeyshiyaadka la magac baxay Somalia Battalion; Mikhail wuxuu ahaa dhallinyaro, dhashay July 19, 1980-kii,  ha yeeshee geeriyooday February 8, 2017-kii, oo dhanka kale ahayd xilligii la doortay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. 
Givi, ayaa la shaqeeyay ciidanka Ukrain intii u dhaxeeysay 1998-kii– 2000, wixii intaas ka dambeeyay waxa uu goostay in uu noqdo jabhadi ku biirra falaagada kasoo horjeedday xukuumadda Kyiv, xusuusta ugu wayn ee laga hayo waa in uu door muhiim ah ka ciyaaray dagaalkii la magac baxay Ilovaisk (Battle of Ilovaisk) 
Tolystykh, waxa uu yagleellay jabhad iyo ciidan isku jiheysan oo loogu magac daray “Somalia Battalion” si ay u ilaalliyaan jiritaanka maamulka gooni u goosadka ah ee iskooda isku dhawaaqay ee Donétskaya Naródnaya Respúblika (Donetsk People’s Republic), kuwaas oo u ololleya sidii gobollada bariga gaar ahaan kuwa looga hadlo luuqadda Ruushka ay uga go’i lahaayeen Yukrain  inteeda kale.
Waa cududda ugu wayn ee kasoo horjeedda ciidanka qalabka sida ee dalka Ukrain, marka aan eegno dagaalka aan dhammaadka lahayn ee ka jira gobollada Bariga dalkaas, gaar ahaan Donbass, Donets iyo deegaannada ku xeeran; majalladda The Telegraph ayaa ka qortay faallo dagaalkii ka dhacay gegedda diyaaradaha magaalada Donetsk ee dalka Ukrain, kaas oo ahaa mid kamid ah dagaalladii ugu saameynta badnaa intii uu socday qalallaasaha ka jira dalkaas, waxaana ay sheekadooda ku falanqeeyeen doorka uu ku lahaa Mr Givi, oo asal ahaan sheegay in awoowayaashiisa ay kasoo jeedeen Georgia (Joorjiya).
Sababta ugu wayn ee ay kooxdaan ula baxday magaca ” Soomaaliya” waa in ay kaga dayanayaan, Cabsi la’aanta, naf hurnimada, geesinnimada iyo kartida dagaalka ee ay leeyihiin dadka Soomaalida ah ee ku teedsan gobolka Geeska Afrika, sida uu qiray abaandduulihii hore ee kooxdaas GIVI oo geeriyooday subaxnimadii 8-Febraayo ee sannadkii tegey (2017) ka dib markii uu ku habsaday isagoo kusugan xafiiskiisa madfac aan illaa hadda la xaqiijin halka uu ka yimid iyo cidda mas’uulka ka ahayd.
Geesinnimada waa sifooyinka ugu sar sarreeya ee noolahu hiigsado, halka fuleynimaduna ay taas caksigeed tahay; Inkastoo geesinnimadu aysan keliya ahayn naf hurridda, haddana Soomaalida jaanibka naf biimeynta iyo rag iska dhicinta aad ayeey ugu wanaagsan tahay, oo dhankaas waa ay ku amaannan yihiin, waxaana sabab u ah, nolosha geeljirannimada ee awoowayaasha oo ku dhisneyd “Ninka Iska Dhici!!” iyo ” Yaan Lagaa badin!!”  taas oo ugu dambeyn la magaaleeyay, markii dadyowgii baadiyaha kasoo hayaammay ay magaalada usoo foof doonteen.
#Geesinnimo
Cabdiwahaab Axmed Cali
E-mail:- C.wahaabyare@gmail.com
TIXRAAC :-
https://en.wikipedia.org/wiki/Somalia_Battalion
https://en.wikipedia.org/wiki/Mikhail_Tolstykh
https://en.wikipedia.org/wiki/War_in_Donbass
https://en.wikipedia.org/wiki/Donetsk_People%27s_Republic
https://en.wikipedia.org/wiki/Separatist_forces_of_the_war_in_Donbass