Gaari Bullet Proof ah Oo Lagu Rasaaseeyay Waddada Seyidka!!

Wararka aan ka heleyno Muqdisho waxa ay sheegayaan in ciidanka ammaanka gaar ahaan kuwa ku sugan agagaarka isgoyska Seyyidka ee magaalada Muqdisho ay rasaaseeyeen gaari nooca Bullet Proofka loo yaqaanno.

Ciidanka ilaallada ayaa ku amray wadaha gaariga in uu istaajiyo gaariga, lana baaro, lana ogaado qofka uu yahay, ha yeeshee waa uu ka biya diiday, taas oo keentay in ciidanka ay rasaaseeyaan islamarkaana ay ka bajiyaan taayirrada gaarigaas.

Gaariga ayaa yaalla goobta, balse darawalka ayaa diiday in uu dibadda usoo baxo, waxaana looga shakisan yahay in uu qarax sido, islamarkaana tuhunka waxaa badiyay markii uu diiday in uu soo dago.

Goobta ayaa hadda aad u cakiran xaalad ahaan, waxaana kusoo xoomaya saraakiil ammaan, maaddaama maanta aad uu u adag yahay isticmaalka waddada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa cabsi laga qabaa in qalqal ammaan uu soo food saaro kulanka koobaad ee kalfadhiga saddex aad ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.