Ethiopia Oo Ku Qalddantay Dilalka 9-qofood Reyid Ah!!

Dowladda Ethiopia ayaa wadda howlgallo lagu baacsanayo kooxaha rabshadaha ka wada gudaha dalkaas, tan iyo markii uu xilka baneeyay ra’iisul wasaarihii hore Mudane Heilemeriam Desalegn.

CNN-ka Mareykan ka ayaa baahisay in dhammaan ay shacab ahaayeen dadka la laayay, waxaana middaas sabab u ahayd in lagu qaldday ama loo heystay in ay yihiin kuwa la dagaallamaya jabhadaha Oromada ee ku kacsan dowladda dhexe.

Warbaahinta qaranka ayaa horaan baahisay in 9 qofood la dilay, halka 12-kalena ay ku dhaawacmeen rabshado iyo howl gallo siyaabo kala duwan looga sameeyay deegaannada ay ku xooggan yihiin qawmiyadda gadoodsan ee Oramada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la xaqiijiyay in dadka dhintay ee la dilay iyo kuwa kale ee waxyeelladu soo gaartay ay dhammaan ahaayeen dad shacab ah oo aan wax lug ah ku lahayn falalka lagu eedeeyay ee dowladnimo diid, iyo in ay la safnaayeen qolyaha mucaaradka ah ee Oromada.