Dagaal qasaaro baddan Geestay oo Degmada Mahadaay ku dhex maray Ciidamo DF Somalia ka tirsan?

Iyadoo amaanka gobolka Sh/dhexe faraha ka baxay sidii xilka loogu dhiibay Gudoomiye Axmed Meyre Makaraan  oo loo yaqaan Axmed Faal ayaa waxaa sii badanaya dagaalada Ciidanka  DF ka wada tirsan ee halkaasi dagaalka ku dhex marayo iyo dagaal beeleedyada.

Wararka ka imaanaya dagmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaq ciidan uu ka jiro Degmadaasi ka dib markii ay ku dagaalameen ciidamo kawada tirsan Dowladda.

Ciidamo ka tirsan Booliska Hirshabeele iyo ciidamado Meliteri ah oo ku sugan dagmada ayaa isku rasaaseeyay sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan Degmada Mahaday ee Gobolka SH/Dhexe.

Isrisaaseynta u dhaxeysay ciidamadaan ayaa ka dhashay khasaaro xooggan oo soo gaaray labada dhinac sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Inta la ogyahay hal askari ayaa ku dhintay tiro intaas ka badane dhaawac ayaa soo gaaray sida wararka ay tilmaamayaan.

Warar an helnay ayaa sheegaya in arinta ay salka ku heyso qoryo dhawaan la siiyay ciidamadii loo tababaray Maamulka Hirshabeelle kuwaas qaarkood iibsaday hubkii la siiyay iyagoo ka iibsaday ciidamo ku sugan Degmadaasi.

Ciidamada Hirshabeelle ayaa saakay u amba baxay dhanka Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe kuwaas oo aan la ogeen u jeedka ay u gaareen Degmadaasi.

Waxaa hada lagu soo waramayaa in xaalada Dagmada ay kacsan tahay ciidamadii saakay ka tagayna Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ay hadda ay ku sugan yihiin gudaha magaalada.

Waxaana sidoo kale jiro dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyadoona dadka deegaanka ay ka cabsanayaan in mar kale degmada ay ku dagaalamaan Ciidamaan hadda dhaq dhaqaaqa ciidan ka wada Degmada Mahaday.

Wixii warar ah ee kasoo kordha la soco.