Ciidamadda NISA oo Xalay dagaal ku qaaday Degmo Muqdisho Al shabaab ka degan yahiin?

Ciidamadda Nabad Sugida Soomaaliya ayaa xalay weerar ku qaaday dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab oo fariisin ku lahaa Degmadda Kaxda ee Gobolka banaadir.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay shalay gudaha Degmadda Kaxda ay ku dileen askari ka tirsanaa Dowladda Soomaliya oo lagu magacaabi jirey Ilkacase.

Ciidamadda NISA ayaa weerar ku qaaday qabuuraha degmada Kaxda ee loo yaqaano Boqolka Boos, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka labadda dhinac ayaa halkaas ku dagaalamay muddo saacad ku dhow, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Dhanka kale Laamaha amniga degmadda Kaxda ayaa sheegay in dagaalka uu kaga dhintay Hal Askari oo lagu magacaabi jiray Alxam, iyaguna ay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.