Waa Kuma Dalka Dhex Dhexaadin Doona Soomaaliya Iyo Imaaraadka?

Ka dib cadaadis siyaasadeed oo la saaray shirkadda iyo dalka Imaaraadka Carabta, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Soomaaliya iyo Emirates-ka la dhex dhexaadinayo oo meel dhexe la iskugu keeni doono.
Soomaaliya ayaa dacwad ka gudbisay Imaaraadka maaddaama ay si qalddan ugu xad gudubtay dowladnimada SOomaaliya iyo madax banaannideeda.
Dowladda Sacuudiga oo labada dal ee Imaaraadka iyo Soomaaliya xiriir siyaasadeed iyo mid ganacsiba uu kala dhexeeyo ayaa soo dhex gashay khilaafka xoogeystay ee labada dal.
Xukuumadda Riyaad ayaa ku baaqday shir ay u dhan yihiin madaxda labada dal, si meel dhexe la iskugu keeno oo loo xaliyo dhammaan waxa la isku heysto.
Waa talaabo wanaagsan sida ay sheegayaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya maaddaama ugu yaraan SOomaaliya loo aqoonsan doono qoonddo gooni ah, ama heshiiska ay qeyb ka noqon doonaan.