Laba Wasiir Oo Dowladda Soomaaliya Ay U Baahan Tahay In La Casilo Haddii Xal Loo Helayo Khilaafka Arrimaha Dibadda!!

Dowladda Soomaaliya ayaa lugaha la gashay duufaan siyaasadeed oo arrimaha dibadda ah, taas oo xitaa qal qal gelisay jiritaanka dowladda SOomaaliyeed.
Falanqeeyayaal siyaasadeed oo Soomaali u badan ayaa la hor dhigay su’aal ahayd, sidee bay Soomaaliya xal u aragtaa si loo joojiyo duufaanta siyaasadeed ee dalka ka jirta?
Xeel dheerayaasha ayaa qaabab kala duwan ugu hadlay, ha yeeshee waxaa la isla fahmay in muhiim tahay in Soomaaliya ay siyaasadda arrimaha dibadda saameyn xooggan ay ku yeelato islamarkaana awood badan la geliyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya taas oo aad u liidatay wakhtiyadii u dambeeyay.
Soomaaliya ayaa u baahan si hoos loo dhigo cadaadiska siyaasadeed in ugu yaraan is baddal lagu sameeyo ama howshooda lagu booriyo wasiirrada arrimaha dibadda iyo kan Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, si ugu yaraan ay caalamka kaga gadaan qorshaha Soomaaliya ay ka leedahay siyaasadda arrimaha dibadda.
Si kastaba wasiir Axmed Cawad iyo Jamaal Maxamed Xassan ayaan si hufan uga qeyb qaadan dhaadhicinta siyaasadda Soomaaliya ee dowladaha caalamka, si taas looga gaashaanto waxaa loo baahan yahay wasiirro ugu yaraan boosaskaas buuxin kara.