DHACDO NAXDIN LEH oo Yaaqshid ka DHACDAY IYO 3; Caruur ah oo ku geeriyootay?

Sida ay Sheegayaan Wararka naga soo Gaaraya Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir, Qoys ayaa ku sumoobay Caleen ay Dawo ahaan ucabayeen.

Dhacdadan waxa ay ka dhacday Xaafada Tawakal ee Degmada Yaaqshid, Waxeyna arintan ay Saameysay Aabe iyo 4 Caruur ah uu dhalay oo 3 Kamid ah ay Geeriyoodeen, Caruurta dhimatay oo laba gabdho ay yihiin iyo Hal wiil ayaa Dad’aado la sheegay iney duexeysay 9 Jir ilaa 15 Sano Jir.

Sidoo Kale waxaa xaaladooda laga deyrinayaa Aabaha Qoyska oo lagu Magacaabo Jeelle Xaashi Iimaan iyo Wiil uu dhalay oo loola cararay Isbitaalka Daaru Salaam, Sida ay soo sheegayaan Ehelada Qoyska, Qoyskaan ayaa ku Sumoobay Geed Mudaawaad ah oo ay Cabeen kaasoo ay dawo ahaan ugu isticmaalayeen.

Hooyada Qoyska ayaa la sheegay iney iska diiday Cabista Caleentan taasoo keentay iney iyada kaliya ka badbaado, halka qoyska Intiisa kale ay ku sumoobeen Dawada ay Cabeen si ay ugu Caafimaadaan.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Degmada Yaaqshid ayaa gaaray Guriga ay dhibaatadan ka dhacday, Waxeyna warbixin ka dhageysteen Hooyada Qoyska oo Wajigeeda laga dheehan karay murugada ka muuqatay.

Si Kastaba, Mudooyinkan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay Dadka ku sumoobaya Cunooyinka iyo Cabitaanada ay Cabaan, Iyadoo Todobaadkii hore Qoys ay ku sumoobeen Kaluun ay Cuneen.