Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Balcad & xog laga helaayo?

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo xoogan oo maanta ka dhacay deegaano dhaca Waddada xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka bilaabeen deegaanadaasi oo ay ku xoogan yihiin Al Shabaab.

Waxaana la sheegay in Ciidanku weeraro ay kala kulmeen dagaalyahannada Al Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalladaasi oo siyaabo kala duwan uga dhacay deegaano xiriiriya degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Saraakiisha Ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa guulo ka sheegtay dagaalladaasi, waxaana ay sheegeen in ay ku gaareen deegaano hor leh oo ka tirsan gobolladaasi.

Xaaladda ayaa ah haatan mid kacsan, iyadoona weli dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo hor jeeda ay ka socdaan deegaanadaasi.