Ciidamo Ka Wada Tirsan Ilaalada Gudoomiye Axmed Faal Oo Ku Dagaalamay Jowhar?

Ciidamo ka wada tirsan kuwa ilaalada Gudoomiyaha Gobalka Sh/dhexe  Axmed Faal ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dagaalameen duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Iska Hor imaadka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Tuulada Xaanshooley oo u dhaxeysa Waddada xiriirisa Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu yimid, kadib markii Ciidamo milateri ah iyo kuwa Nabad Sugid ah oo dhawaan la geeyay halkaasi uu shaki soo kala dhexgalay ka dib marku gudoomiyaha qaab qabiil meel u kala dajiyay.

 

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 4 Qof oo u badan dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi, iyadoona sidoo kale ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Jowhar oo ku aadan dagaalkaasi.

Sidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeellaha dhexe loogu mgacaabay Axmed Mayre Makaraan waxaa faraha ka sii baxaayay amaanka Gobalkaaasi iyadoo dhanka kale aay ka dhaceen dagaal beeleedyo soo noq noqday iyadoo gudoomiyaha gobalka ku mashquulsan yahay howle kale.