Laba Xildhibaan Oo Caan ah oo Goor dhow Lagu Dilay Gobolka Shabeellaha Hoose 7th March 2018 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Viber Qarax Miino oo jidka lagu aasay Maanta ayaa waxaa ku geeriyooday Labo Xildhibaan oo isku beel ahaa kana Tirsanaa Maamuladda Koofur galbeed iyo Hirshabeelle. Xildhibaanada oo watay Gaari kana soo baxay Wanla-Weyn ayaa u geeriyooday Sabab Qarax Miino oo wadadii ay adeegsanayeen la galiyey. Waxaa lagu kala Magacaabi jiray Xildhibaanadda Geeriyooday Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali Baraf oo ahaa Wsaiir dowlaha Amniga Koofur galbeed Soomaaliya, Xildhibaana ka ahaa isla Maamulkaas. Xildhibaanka kale ee isaguna Miinada ku dhintay waxaa lagu magacaabi Jiray Axmed Cabdi Faarax waxaana uu ahaa xildhibaan Hirshabeelle katirsanaa. Labada Xildhibaan ee Geeriyootay ayaa isku beel ahaa, sida ay iisheegeen Eheladdooda dad katirsan oo aan Telephone ka kula Hadlay Lama Shaacin Cida leh Masuuliyadda Weerarka dhacay, ee Xildhibaanadu ayku geeriyoodeen FG: Sawirka idiin Muuqda waa Xildhibaanka Hirshabeelle katirsanaa Axmed Cabdi Faarax.