Koofur Afrika: ” Al-shabab 4; qof ayey nooga dileen Afgooye”

Dowladda Koofur Afrika ayaa markii ugu horreysay ka hadashay weerarkii dhawaan Al-shabaab ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Koofur Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkii Afgooye lagu dilay afar ka mid ah saraakiil tababarayaal Milatari ah kuwaas oo tababarayay ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya.

Al-shabab oo ka hadashay weerarkaas waxaa ay sheegtay in ay ku dishay 80 ka mid ah Ciidamada dowladda iyo saraakiil caddaan ah oo ku sugnaa xerada uu isku qarxiyay Gaariga uu waday qofka ka socday AL-shabaab.

Ilo ku dhow dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in tirada aysan intaas gaarsiisneyn hayeeshee ay jirto khasaare xoog leh oo ka dhashay weerarka AL-shabab ay ka fuliyeen degamada Afgooye.

Wasaaradda arrimaha dibadda Koofur Afrika ma sheegin in askartaas ay ku dhinteen weerarkii degaanka Siinka dheer iyo kii saldhigga Ciidanka dowladda lagu tababaro ee Degmada Afgooye inkasta oo warbixintooda ay ku jirto tababarayaal looga dilay Afgooye.