Howlgal Caawa Ka Socda Xaafad 2 qof lagu dilay &Amaankii Muqdisho oo faraha ka baxay?

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa howlgallo kala duwan waxa ay ka wadaan Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgallada waxa ay sigaar ah uga wadaan Xaafada Siigaale ilaa Soonakeey ee degmada Hodan,waxana dadka deegaanka qaarkood ay sheegen in Ciidamadu ay baaritaano ku sameynayaan Guryaha,halka wadooyinka ay dadka ka qab qabanayaan.

Waxaa la soo sheegayaa in dadka ay Ciidamadu meel gaar ah isugu keenayaan,iyaga oo baaritaano ku sameynaya.

Maanta ayaay markii laba qof oo mid uu ka mid ahaay Maamulka degmada Hodan lagu dilay gudaha degmadaasi iyadoo amaamka Magaalada Muqdisho uu faraha ka sii baxayay muduudooyinkii danbe.