Banaan-Bax Ka Dhan Ah G/Xigeenka dharkeynlay Oo Dilay Sarkaal Caana Oo Muqdisho Ka Dhacay?

Qaar ka mid ah shacabka ku nool degmada dharkeynlay ee gobalka Banaadir ayaa maanta dhigay Banaanbax ay kaga cabanayaan dil dhawaan ka dhacay degmadaasi, dilka oo loo geestay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Soomaaliya.

 

Shacabka Banaanbaxayay ayaa ka cabanayay dilkii maalmo ka hor Xaafadda kaaba-goday loogu geestay Alle ha u naxariistii C/llaahi Xuseen Maxamed Migiste oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya sidoo kalane ka tirsanaa Tababarayaasha Ciidamada Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanayay in cadaaladda la hor geeyo Askarigii dilka geestay iyo gudoomiye ku xigeenka degmada dharkeynlay ee amray dilkaasi  sidoo kale laamaha amaanka , Dowlada Soomaaliya wali kama hadlin Banaanbaxa ka dhacay degmadaasi iyo dilkii dhawaan ka dhacay degmadaasi.

Sida dadka deeganka aay sheegen Mangista ayaa xaafadda ka celin jiray tuugada,kaas oo dhowr maalmood ka hor lagu dilay xaafada Kaawa Godey kadib markii uu isku dayay in uu is hor istaago Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo u watay gudoomiye ku xigeenka Degmada dharkeynlay kuwaasi oo doonayay in aay Bur buriyaan guryo leeyihiin dad masaakina.

Maamulka Degmada Dharkinley ee Goibalka Banaadir aynu la hadalnay ayaa arintaan ka gaabsaday in ay ka hadlaan iyadoo halkaasi uu ka soconayo  dhul boob lagu haayo dadka shacabka ah.