Alshabaab Oo Kubbadda Cagta Ka Mamnuucay qeybo Kamid Ah Magaalada Muqdisho

Ururka al-shabab ayaa soo saaray amaro ay ku mamnuuceen ku ciyaaridda kubaddda cagta. garoomo ku yaala waqooyiga magaalada muqdisho
garoomada la mamnuucay in lagu ciyaaro ayaa ku kala yaala kaaraan shibis iyo yaaqshiid iyo heliwaa
al-shabab ayaana u wacay maamulayaasha garoomada waxayna ugu waceen deegaanka tooratoorow waxayna u qabteen shir ay u dhan yihiin waxayna u sheegeen ciddii amarkooda ka hor timaadda in ciqaabo la kulmi doonaan
kadib sanadooyin badan waa markii ugu horeysay oo la arko in al-shabab ay amaradaan soo saaraan iyagoo deegaanada magaalada si buuxda u amrin dowladduna ay gacanta ku heyso
ugu danbey al-shabaab ayaa sheegay in kubadda cagta tahay danbi isla markaasna laga soo minguuriyay wadamada shisheeye
lama ogga siday dowladda amaradaan al-shabaab ay soo saartay ugu jawaabi doonto maadama garoomadii amarka laga soo saaray ee haawanayaan
Xogtaan waxaa iska leh oo aan kasoo xigannay weriye Mohamed Cabdulahi Jameeka oo kamid ah weriyayaasha siyaasadda ka faalooda.