Alshabaab Oo 9-Dameer Sabab Layaab Leh Ugu Dilay Gobolka Bakool!

Kooxda Alshabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya ayaa bilowday qorsha kale oo lagu curyaaminayo dhaqaallaha dadka ku dhaqan deegaannada ay maamullaan.
Ilo ku dhow dhow deegaanka ayaa la hadlay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA waxaana ay u sheegeen in Arbacadii lasoo dhaafay kooxdaas ay meel iskugu keeneen qaar kamid ah dameerradii dadka deegaanka ay gaadiidsan jireen, ka dibna kooxdaas ay toogteen oo laayeen.
Tuullada Elboon oo 15-km u jirta Wajid ayaa lagu sheegay goobta ay dhacdadan ka dhacday, waxaana lagu waramayaa in laba qofood oo lagu eedeeyay in ay si qota dheer uga shaqeynayeen deegannadaasna la qabtay oo illaa hadda meel ay jaan iyo cirib ay dhigeen aan la ogeyn.
Shabaab ayaa dadka ay u taliyaan u diida mucaawinnada iyo gargaarka hey’adaha Beni Aadamnimada ka shaqeeya, waxaana ay ku sababeeyeen in ay yihiin xoolo gaalo, taasna ay ka reebtay diinta Islaamka sida ay hadalka u dhigeen.
Si kastaba ha ahaatee deegaanno kamid ah gobollada, Baay, Bakool, Gedo, Galgaduud iyo Hiiraan ayaa weli ku jira go’doon ay geliyeen kooxdaas Shabaab waxaana laga soo sheegayaa xaalad benii aadamnimo tii ugu darneyd.