Muusa Biixi Oo Iska Bareejeeyay Kheyrre Iyo Amar Lala Yaabo Oo Uu Kusoo Rogay Golihiisa Wasiirrada

Madaxwaynaha maamulka Soomaaliland Mudane Muusa Biixi Cabdi ayaa amar ku soo saaray in golihiisa wasiirrada aysan isticmaali karin warbaahinta iyada oo aysan dowladda ogeyn.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha ayaa lagu mamnuucay in ay warbaahinta la hadlaan wasiirrada maamulkaas, maaddaama wakhti xasaasi ah lagu jiro oo ay iska soo daba dhacayaan siyaasiyiinta ka hadlaya arrinta heshiiska Berbera.
Biixi ayaa kula dardaaray mas’uuliyiinta maamulkiisa in ay dhaqan geliyaan sharcigan uu soo saaray ee ah in la hakiyo la hadalka saxaafadda, wuxuuna sheegay wax walba oo ay u baahan yihiin ay weyddiisan karaan dowladda waxna looga qabanayo.
Si kastaba ha ahaatee sharcigan horey waxaa usoo rogay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyrre, waxaana xilligaas looga gonlahaa in aysan is hadal dhaafin ka dib dhacdadii Bariirre ee dadka shacabka lagu xasuuqay.