Maxaa Isku Soo Aaddiyay Safarrada Xoghayayaasha Arrimaha Dibadda Mareykan ka Iyo Ruushka? (Wakhtigii Geeska Afrika)

Xog ay faafiyeen wasaaradda warfaafinta Ethiopia ayaa lagu sheegay in xoghayaha arrimaha dibadda Mareykan ka Sargie Lavrov uu kusoo wajahan yahay dalkaas islamarkaana uu ku imaan doono safar rasmi ah.
Siyaasadda gudaha Ethiopia ayaa ah mid cakiran, ha yeeshee siyaasadda Ruushka ee geeska afrika ayaa u eg mid laba kacleys ah oo markale dib in ay ugu soo noqoto ayeey dooneysaa sida hadda la aaminsan yahay.
Safarka Lavrov waxaa uu ku qotomaa sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal islamarkaana la iskaga kaashan lahaa sifeynta kooxaha argiggixisada ee ka jira gobolka Geeska Afrika.
Ha yeeshee Safarkan wuxuu kusoo aadaya iyadoo xoghayaha Mareykanka u qaabbilsan arrimaha dibadda Rex Tellirson uu kusoo wajahan yahay todobaadka qaaradda Afrika islamarkaana uu cagta soo marin doono safar todobaad qaadan doono dalka Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee loollanka adduunka ayaa hadda u muuqda mid usoo gaddoomay qaaradda Afrika gaar ahaan gobolka geeska Afrika.