“Maxaa Iska Baddalay Mowqifkii Daljir Ee Kaga Aaddanaa Dhanka Dowladda?”

Xisbiga siyaasadeed ee Daljir ayaa kamid ahaa xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira gaar ahaan kuwa mucaaradka ah, waxaana lagu xasuustay sheegidda dhaliisha dowladda iyo qaladaadka ay gasho.
Sidii loo soo galay sannadka 2018-, waxaa hoos u dhacay hadal heynta Daljir ee warbaahinta iyo falcelintoodii joogtada ahayd ee ay ka sameyn jireen waxyaabaha maalinlaha ah ee ay dowladda sameyneyso.
Daljir ayaa joojisay sidoo kale isticmaalidda baraha bulshada, gaar ahaan wax kaga sheegga dowladda, waxaase la is wayddiinayaa haddaba middaas maxaa sabab u ah?
Dowladda Soomaaliya ayaa wadday dadaallo lagu sameynayo dowlad wadajir ah oo u dhaxeysa kooxaha mucaaradka iyo muxaafadka, si la isku dheeli tiro dowladda, islamarkaana loo yareeyo mucaaradka waallida ah ee dowladda ooga soo horjeedo.
Si taas loo dhaqan geliyo dowladda Soomaalia ayaa wada hadallo la furtay Daljir iyo Damul JAdiid oo ah labada xisbi ee ugu wayn dalka, si loo dhammeeyo khilaafka kala dhexeeya dowladda.
Inkastoo heshiiska aan la ogeyn hadda halka uu ku dambeeyo, ha yeeshee hoos u dhaca Daljir waxa ay kusoo biya shubaneysaa in xilal loo balanqaaday sidaa darteedna ay u joojiyeen dagaalkii mucaaradnimada ahaa ee dowladda kala dhexeeyay.
Sidoo kale waxaa hoos u dhacay qaab tebinta siyaasadeed ee Idaacadda Goobjoog oo marar badan loo xagliyo dhanka Daljir, maaddaama ay joojisay xog aruurrin billa ah oo lagu tira koobi jiray inta dil ee dalka ka dhacday bishaas, taas oo caqabad ku ahayd sheegashada guulaha ammaan ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee Daljir waxaa la dagay damac siyaasadeed, kaas oo keenay in illaa xad ay hoos u dhigaan mabda’ooda siyaasadeed, kaas oo ahaa mid yool leh (Visionary).