Hal Talaabo Oo Lagu Baajin Karo Saamiga 19%kiiba Ee Ethiopia Ku Yeelaneyso Dekedda Berbera!!

Sida uu ku sheegay aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Cabdi Ismaaciil SamatarĀ  warqad furan oo uu soo diray, heshiiskii berbera ee Soomaaliland la gashay Imaaraadka iyo Ethiopia wuxuu ahaa mid kamid ah qaladaadkii ugu waa waynaa ee siyaasadda Soomaaliya laga galo.
Ma jirto cid iswayddiisay sidee bay ku muteysteen Ethiopia saamigaas? maaddaama sharci ahaan ay qalad tahay in dal dal kale illihiisa dhaqaalle kula shirkoobo.
Golaha baarlamaanka Soomaaliya iyo golaha fulinta waxaa la gudboon in ay ashtiko ka gudbiyaan looga dacwoodo midowga Afrika iyo qaramada Midoobe si ugu yaraan loo ilaalliyo muqaddasnimada Soomaaliya, maaddaama ay taas liddi ku tahay jiritaanka Soomaaliya.
In Soomaaliya oo joogta Ethiopia la siiyo saami laftigeeda ayaa ah inkiraad iyo liidid, haddana saamiga lagaaga bato ayaa qalad kale ah, ha yeeshee Soomaaliya waxaa u furan in ay dacweeyaan Ethiopia iyo Imaaraadka maaddaama ay ku xadgudbaan jiritaanka jamhuuriyadda Soomaaliya.
Haddii la waayo middaas waxa ay la micno tahay in Soomaaliya ay tahay meel cid kasta ay saami ka heli karto maaddama aysan jirin kala dambeyn sharci iyo mid kaleba.