Golaha Shacabka Oo Mooshin Ka Keenaya Heshiiskii Berbera Iyo Saamiga Ethiopia

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin xooggan ka bilaabay in ay ka keenaan heshiiskii Imaaraadka iyo Soomaaliland dhex maray ee ku qotamay Marsada Berbera.

Xildhibaannada ayaa sheegay in ay tahay qalad intiisa la eg in 19%kiiba la siiyo dowladda Ethiopia ee deriska nala ah, halka dowladda dhexe ee Soomaaliyana aysan waxba helin.

Sabtida soo aaddan oo ay taariikhda ku beegan tahay 10-March ayaa la filayaa in dib loo furo kalfadhiyadii caadiga ahaa ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xilligaas la filayay in la bilaabo mooshinkii xoogganaa ee laga waday xukuumadda Xassan Cali Kheyrre.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Ethiopia ayaa 19%kiiba saami ahaan u heshay heshiiska 30 sano ah ee dowladda UAE ay kula wareegeysay dekedda wayn ee Berbera.