XOG: Waare oo Qorsheynaya inuu xilka ka qaado Guddoomiye degmadiisa Shabaab u gacan gashay?

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa qorsheynaya inuu xilka ka qaado Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug ka dib dhacdadii  degmadiisa ay Al-Shabaab kula wareegeen.

Madaxweyne ayaa isugu yeeray dhamaan Saraakiisha Ciidamada maamulka Hirshabeelle si wax badan looga weydiiyay sida ay ku dhacday in maalin cad Al-Shabaab mudo saacado ah gacanta ugu hayaan degmada Balcad oo ah degmo istaatijiyad ah oo xudun u ah caasimadda Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweyne Waare uu qorsheynayo inuu xilka ka xayuubiyo Guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe Xildhibaan hore Qaasim CaliNuur Furdug,kaasi oo lagu eedeeyay inuu ku fashilmay amaanka degmadiisa.

Gudoomiyaha ayaa degan guri yaalo degmada Cabdi Casiis oo aay deris ku yahiin Malaaqa Guuud ee Xamar iyo Xamar Daye isaga oo marna masuuliyad iska saarin amaanka wax barashada iyo ka warqabka shacabka degan degmadaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhawaan dagaal xooggan ku qaaday degmada Balcad mudo kooban gacanta ku hayay.