Xildhibaan Abuukaato: Farmaajo & Khayre Haku Banaanbaxan shacabka inteey guryaha gaajo ugu dhiman?

Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed oo loo yaqaan Abuukaato ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay banaanbax ka dhan ah Waddooyinka xiran ka dhigaan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Abuukaato  ayaa sheegay in dowladda uu hoggaaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka baxday ballantii ay ka qaadday Shacabka ee ahayd in aan waddooyinka laga xirin dadka haddii isaga la doorto.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in dadkii markii la doortay Madaxweynaha ku banaanbaxayay “Farmaajo ii geeya”,ay hadda qaati ka taaganyihiin adeegsiga waddooyinka Magaalada Muqdisho oo u xiran Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya.

Maxabuud  Cabdullahi waxaa uu aad u dhaliilay siyaasadda dowladda ee sugidda amniga Muqdisho,isaga oo ku doodaya in waddooyinka oo la xir xiro aysan ku imaneyn amaanka Magaalada Muqdisho.