Siyaasi Yahuudi Ah Oo Ku Biiray Mid Kamid Ah Xisbiyada Ugu Caansan Dunida Islaamka!!

Markii ugu horraysay siyaasi kasoo jeeda qowmiyadda Yahuudda ayaa kamid noqday xubnaha Ururka Al-nahda oo mar kamid ahaa Ururada islaamiga ee caanka ah ah wadanka Tuunis .

Seymoon Salaama oo ah Nin Yahuudi ah ayaa ku dhawaaqay in uu kamid yahay Xubnaha Ururka uuna ku meteli doono doorashooyinka dowladaha hoose ee Bisha May,2018 ka dhici doono wadanka Tuunis.

Isagoo wareysi siinayay ayuu sheegay in Hoggaanka sare ee Xarakada Al-Nahda ay siiyeen warqadaha aqoonsiga ee uu uga mid noqonayo xarakada islamarkaana uu yahay musharax utaagan golaha deegaanka.

Cali Alcariid oo horay usoo noqday R/wasaaraha Tuunis kana mid ah Mas’uuliyiinta xarakada Al-Nahda ayaa isna sheegay in uu ku faraxsanyahay in siyaasi Yahuudi ah Ururkooda kamid noqdo.

Ururka Al Nahda oo kamid ahaa Jamaacada Ikhwaanul Muslimiin ayaa ku guuleystay doorashooyinkii Tuunis ka dhacay sanaddii 2011 xilligaas oo kacdoon lagu riday Zeynul Caabidiin Bin Cali, wuxuu xilligaas ahaa urur aad uga soo horjeeday siinta fursad dadka aan Muslim ka ahayn,  balse wuxuu isku bedelay hadda urur loo siman yahay oo cid kasta ay kasoo muuqan karto.