Shacabka Muqdisho Oo Ka Cabanaya Farmaajo oo laf dhuun gashay ku noqday &Waddooyinka oo Xiran?

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya dhibaatooyin xooggan oo ay ku qaabaan xirnaashaha Waddooyinka muhiimka ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in  saameyn xoogan ay noloshooda ku yeelatay Waddooyinka qaar oo weli u xiran Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Waxaana ay ugu baaqeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan arrimhaasi maadaama dadka inta badan nolol maalmeedkooda ku xiran yahay shaqada maalin walba aay soo aadan iyaga oo wax dhaqaale ah heleynin hadii aynaan soo shaqa tagin.

Madaxweynahii Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka horeeyay  weli ma dhacin in aay intaas maalmood xirnaadan wadooyinka Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sidii uu xilka u wareejiyay waxaa sii xirmay wadooyin horleh isaga oo Farmaajo balanqaaday xililigii doorashada in aan wax wado ah la xiri doonin hadii xilkaasi loo doorto taaso layaab ku noqotay shacabka Soomaaliyeed kadib dooradashadii uu Farmaajo ku guuleestay oo wadooyin hor leh la sii xiray.