Sawirro:Maxaabiistii Xabsiyadda Hindiya oo Laga Soo Daayay oo Muqdisho soo gaaray?

Diyaarad Sida Maxaabis laga soo daayay xabsiyadda dalka Hindiya ayaa galabta kasoo dagtay Garoonka Diyaaraddaha Magaalada muqdisho.

Maxaabiistan oo galabta laga soo dejiyay Goraanka Aadan Cadde ayaa tiradoodi gaareysa ilaa 76-maxbuus,kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyada Dalka India oo ay ku jireen in muddo ah.

Raisulwasaare kuxigeenka Dalka ahna kusimaha Raisulwasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadr) oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Cadaaladda  ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

Maxaabiistani Soomaaliyeed ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka waxaa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay yimaadaan dhulkooda Hooyo,iyagoo uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya dadaalka ay u gashey siideynta muwaadiniinteed oo ku xirxiran xabsiyada caalamka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare kuxigenka Dalka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay yihiin maxaabiistan tiradii ugu dambeysay,wuxuu xusay in guud ahaan 120 ay ahaayeen,horey waxaa loo soo daayay 41 qof,3 kalena ay xabsiyada ku geeriyoodeen,76na maanta la keenay,sidaasina ay noqonayso in gebi ahaanba maxaabiista Soomaaliyeed ee kujira Xabsiyada Dalkaasi la soo daayay.

Syiyaasiyiiiyinta  qaar ayaa ku tilmaamay igu sawir dadkaan la soo daayayna yahiin rag dhameestay sanadahii lagu xukumay.

Img 20180304 Wa0000
Img 20180304 Wa0000
Img 20180304 Wa0002
Img 20180304 Wa0002
Img 20180304 Wa0003
Img 20180304 Wa0003
Img 20180304 Wa0007
Img 20180304 Wa0007