Qarax Khasaaro daran u geestay Ciidanka Itoobiya Oo Ka Dhacay Duleedka Baydhabo?

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bay ayaa sheegaya in Kolanyo ay wateen Ciidamada Itoobiya qarax Xoogan lagu la eegtay Duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Degaanka Awdiinle oo duleedka ka ah Magaalada Baydhabo,waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu Aaso,islamarkaana lala beegsaday Ciidamada Itoobiya oo wadada isticmaalayay.

qaraxa oo ahaa mid Xooggan ayaa waxa la sheeegay in uu haleeyay Gaari Uuraal ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiya,islamarkaana uu U Geystay Khasaaro isku Jira dhimasho iyo dhaawac inkasto aan la Xaqiijin Karin inta uu la eg yahay Khasaaraha.

Al-Shabaab ayaa Baraha internet-ka ku lee yihiin waxa ay ku shegteen in ay ka dambeyeen qaraxaasi,ayna Khasaaro Xooggan ay gaarsiyeen Ciidamada Itoobiya.

Marka laga soo tago sheegatada Al-Shabaab ayaa waxa jirin warar ka madax banaan oo Xaqiijinaya Khasaaraha uu geystay Qaraxaasi.