“Kheyrre Waa Daanyeer Kursi Uusan U Qalmin La Saaray” Daawo Wareysiga Feysal Cali Waraabe Oo Dhammeystiran

Siyaasiga mucaaradka ee Soomaaliland mudane Feysal Cali Waraabe ayaa si aad uga hadlay jawaabtii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka bixiyay heshiiskii Soomaaliland iyo shirkadda PD World ee dekedda Berbera.

Feysal ayaa sheegay in Kheyrre uu yahay cunug yar oo miskiin ah islamarkaana aan u qalmin xilka uu hayo, qaxootina ka shaqeyn jiray, sidaa darteeda ay kala hadlayaan madaxwaynaha Soomaaliya MAxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo uu sheegay in uu yahay qof wanaagsan uuna hubo in uusan ku raacsaneyn hadalka Kheyrre.
Haddaba aan idin kala baxo wareysiga siyaasiga oo dhammeystiran.