DHAGEYSO:Wasiirka Difaaca DF Somalia, Muqdisho weeraro cusub ayaa ku soo socdo?

Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay maleegayaan weeraro cusub.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka hortaggaan weerar kaste oo Shabaab kaga yimaada.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Shabaab ay waddaan qorshayaan cusub oo ka dhan ah dowladda , islamarkaana ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay la yimaadaan qorshe cusub.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Wasiirka ka dib markii uu maanta Tababar u furay cutubyo ka tirsan ciidamada Madaxtooyadda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho kadib markii dhawaan Shabaab ay weerareen Xarumo ku yaalla Muqdisho.

Mahaan ka dhagayso codka