Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Magaalada Muqdisho?

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab goor dhow ka kacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Xero barakac oo ku taalla nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee M/ Muqdisho.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu baabi’iyay Guryo cooshado ka sameysnaa oo ku yaallay halkaasi.

Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ka dhashay Dabkaasi, balse waxaa lagu guuleystay in la damiyo, aay  xaqiijiyeen mid ka mid ah dadka deegaanka.