Cabsi & Barkac ka taagan Balcad & Al-shabaab oo laga cabsi qabo karo in aay toos ula wareegan?

Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ay ka taagantahay xaalad kacsanaan ah , iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in mar kale degmada ka dhaco dagaal.

Dadka deegaanka  ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay markale lawareegaan gacan ku haynta degmada Balcad iyo dagaal markale ka dhaca Degmadaasi.

Ganacsiga guud ee degmada ayaa albaabada loo laabay, iyadoo uu yaraaday isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana meelaha qaar laga soo sheegayaa inuu ka biloowday barakac .

Cabsi ayaana sida la xaqiijiyay bilaabatay xalay oo ay dadka deegaanka arkeen dad aan laga waji aqoon gudaha degmada.

Al-Shabaab ayaa ku sugan tuulooyinka u dhow dhow Balcad oo ay ka taageen calankooda, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegeen in mararka qaar ay u soo jirsadaan illaa 10 KM.

Maalintii jimcihii ayay aheyd markii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Balcad,oo ay gacanta ku hayaan mudo saacado ah dadka deegaanka ayaana tilmaamay in tani tahay xalada cabsi ah oo ay galaan kadib dhowr sano.