Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykan ka Oo Kusoo Wajahan Geeska Afrika Iyo Jabbuuti Oo soo Dhaweyn Looga Sameynayo

Marka uu Bishan booqanaya Afrika diblomaasiga ugu sareya Mareykan ka, in badan oo kamid ah dadka u riyaaqsan siyaasaddiisa ayaa si dhow ula socon doona, sida ay noqon doonto siyaasadda Mareykan ka ee ku aaddisan qaaradda, iyo ahmiyadda ay dowladda Trump u leedahay.

Rex Tillerson, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykan ka ayaa booqasho ku kala bixin doonna dalalka Chad, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Nigeria laga bilaabo 6-da illaa 13-ka bishan bilowga ah ee March (Maarso).

Waxyaabaha ugu waa wayn ee la filayo in diiradda lagu saaro safarka Tillerson waa iskaashiga qaaradda iyo Mareykan ka ee ku aaddan la dagaalanka argiggixisada, ganacsiga iyo maalgelinta, si loo hormariyo sidkaha uu ku taagan yahay xiriirka laba dhinac.

Meelaha uu Tillerson booqan doono waxaa kamid ah Jabbuuti, waxaana uu kala hadli doonaa sidii la iskaga kaashan lahaa ama si loo dardar gelin lahaa hawl galka AFCOM ee lagu baacsanayo burcad badeedda iyo argiggixisada, maaddaama saldhigga ugu wayn Mareykan ka ee bariga Afrika uu halkaas ku yaallo.

15-bilood ka dib markii uu xafiiska la wareegay Trump, waa markii ugu horreysay ee mas’uul Mareykan ah uu booqdo Geeska Afrika, sida ka muuqata safarkan wuxuu qaadan doonnaa muddo todobaad iyo dheeri ah, waxaana ay muujineysaa qorshaha Mareykan ka uu ka damacsan yahay qaaradda iyo sidii la iskaga kaashan lahaa fulintooda.

Ethiopia ayaa qeyb ka noqon doonta safarka xoghayaha, wuxuuna iyagana kala hadli doonnaa sidii loogu dadaalli lahaa xurriyadda naqdinta, maaddaama halkaas ay aad ugu hooseyso, si lamid ah Kenya ayuu cagta marsiin doonaa, waana booqasho taariikhi ah oo uu Tillerson uu ku tagayo qaaradda dihan ee afrika.