Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabelle Oo ilaalada Waare Jowhar ku Jir Dileen?

 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Idow oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxa uu sheegay in Ilaalada madaxweynaha maamulkaasi Dr Maxamed Cabdi Waare ay handadeen, islamarkaana ay ji rdil ugu geysteen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe.

Xildhibaan Idow ayaa tilmaamay in taasi ay ka dhigan tahay caburin la doonayo in lagu sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in arrintani ay caqab ku noqoneyso horumarka maamulkaasi Hirshabelle.