Maxaabbiis Soomaaliyeed Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho Iyo Tiradooda Oo La Sii Ogaaday!

Waxaa dhawaan la filayaa in garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay soo caga dhigato diyaarad ka imaaneysa bariga fog gaar ahaan dalka India.

Diyaaradda ayaa sidda qaar kamid ah maxaabbiis Soomaaliyeed oo loo heystay dembiyo kala geddisan oo u badan burcad badeednimo oo u xirnaa dowladdaas.

Tirada maxaabbiista ayaa lagu sheegay 80-qofood kuwaas wakhtigooda uu usoo dhammaaday islamarkaana lagu soo daayay is afgarad labada dowladood ah.

Si kastaba ha ahaatee mas’uuliyiin badan oo Soomaaliyeed ayaa kusii jeeda dhanka garoonka diyaaradaha si ay usoo dhaweeyaan dhallinyaradaas Soomaaliyeed ee in mudda ahba ku xirnaa dalka India.

Burcad badeednimada ayaa ah dembiga ugu badan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ee kuxiran dalka India ay ku eedeysan yihiin, horaan ayey ahayd markii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay heshiis la gashay dhiggooda India, kaas oo ku qotomay sidii maxaabbiista Soomaaliyeed loogu soo wareejin lahaa dalkooda.

Heshiiskaas ayaa u eg mid dhaqan galay, maaddaama raacii labaad hadda xabsiga laga sii deyay, oo kalkii hore maxaabbiis badan laga keenay dhankaa iyo India, kuwaas oo iyagana dhammeystay xukunkoodii maxkamadeed.