Imisa Milyan Oo Dollar Ayaa Ku Baxeysa Wejiga Hore Ee Maalgashiga Imaaraadka Ee Dekedda Barbara?

2016-kii DP World ayaa ku guuleysatay in ay gudbiso dalab ah in lagu wareejiyo dekedda Berbera ee Wuqooyiga soomaalia, April sannadkii xigay (2017) ayaa laga aqbalay codsigoodii ka dib wakhti dheer oo codsigooda la rog rogayay sida ay sheegayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland.

Aqbalaadda heshiiskaas wuxuu ka dhignaa in shirkadda DP World la siiyo 30-sano oo heshiis ah lagu daray 10-sano oo dheeri ah kaas oo ku xiran sida wanaagsan ee shirkadda kaga shaqeyso mashruuca hormarinta dekedda Berbera.

Heshiiskaas waxaa lagu sheegay xilligaas in DP World ay qaadaneyso 65% kiiba waxyaabaha kasoo baxa Dekedda Berbera, maaddaama ay maalgashadeen iyaga.

shirkadda DP World ayaa lacag dhan $442 million oo dollar ku maalgashaneysa 400 mitir oo cabbirka Maraakiibta ah iyo 250,000- oo Mitir iskuweer (square metre) dhul u dhigma oo laga sameynayo saldhig Imaaraadku ku leeyahay halkaas iyo dayactirka dekedda Barbara.

24-bilood ka dib heshiiska ayaa la filayaa in si rasmi ah ay u howl gasho dekedda Barbara iyo saldhigga Imaaraadka uu ku yeellan doono Soomaaliland kaas oo weji cusub u yeellaya gobolka.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa ka biya diidday heshiiskaas martida looga dhigay maaddaama Soomaaliland weli ay tahay dowladda aan madax banaanneyn.