Kheyrre Oo Wax Kama Jiraan Ku Tilmaamay Heshiiskii Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiska Dekeda Berbera, isagoo caddeeyay in tallaabo laga qaadi doono shirkad kasta oo dalka ku xadgudubta.

Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa baahisay wareysiga Kheyrre, kaas oo muddooyinkii u dambeyay ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Shirkadda DP ee dalka imaaraadka ayaa heshiis saddex geesood ah la gashay Soomaaliland iyo ethiopia kaas oo ku aaddan qeybsiga saamiga dekedda Barbara.