Guddoomiyaha Balcad Wax Badan kama Ogeyn weerarkii maanta dhacay WARAYSI?

Guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur oo waraysi siiyay Warbaahinta Maxaaliga isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in u wax badan kala socon weerarkii maanta Al Shabaab ku qaadeen degmadaasi.

Guddoomiyaha ayaa degmada Balcad ayaa siidii xilka loogu magaacabay deegaan ka dhigtay Xaafaada Marinaayo ee magaalada Muqdisho isaga oo degmada Balcad  taga oo kaliya markii uu canshuurta  soo qaadanayo  kaliya halka mararka qaar meesheshiisa loogu keeno.

Xoogag hubeysan oo Shabaab ka tirsan ayaa barkhanimadii maanta waxa ay laba jiho ka weerareen degmada Balcad oo 37-KM dhinaca Waqooyi ka xiga caasimada dalka ee Muqdisho, waxayna tilmaameen in ay burbur u geysteen qaar ka mid ah xarumaha Dowladda.