Al-shabaab:- “AMISOM Waxaan Ka Gubnay 16 Gaari oo Marayay Duleedka Jowhar” Akhriso

Al-shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay weerar dhaba gal ah oo ay u dhigeen kolonyo katirsan ciidama Amisom oo marayay wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Wararka ka imaanaya duleedka Jowhar ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay wadada ugaleen kolonyo katirsan ciidamada midowga afrika ee AMISOM oo kusii jeeday dhanka Muqdisho.

War kasoo baxay Al-shabaab aya lagu sheegay in weerarkaasi uu ka dhashay khasaare xoogan oo soo gaaray askartii marayay wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobalka  Sh/ dhexe.

“Kolonyo katirsan Amisom oo gaarayay ilaa 16 gaari ayaa ciidamadeena wadada u galeen, waxaa gabi ahaanba cagta la mariyay 13 gaari oo kamid ahaa gadiidkaasi, waxaa naga bad baaday gadiidkaa ilaa sadax gaari oo kaliya, askarteyna ayaa wali ku sugan goobta” ayaa lagu yiri warka kaso baxay Al-shabaab.

Majirto war ka madax banaan sheegashada Al-shabaab ee ah iney gubeen tiro gadiid intaasi la eg.

Maamulka degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo xiriiro ay la sameysay ayaa sheegay inuu jiro weerarkasi, balse aysan iminka ka hadli Karin waxa sida ay yihiin.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya iney jirin gadiiid ku socdaalaya  wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelaha dhexe, lagana dareemayo xiisad kacsanan ah.

Waxii kusoo kordha Warkaasi kala Soco WWW.shaaciye.com