Dowladda Hoose ee Xamar oo Ganaaxday Wasiir Gurigiisa Arrin Yaableh lagu Arkay?

Warar hoose oo helnay ayaa sheegaya in lacag dhan Hal Milyan oo Shiilinka Soomaaliga ah lagu ganaaxay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa la sheegay iney ka danbeysay ganaaxa Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya, oo lagu arkay gurigiisa hortiisa qashin yaaal, taasina ay sababtay inuu wasiirka dhiibo ganaaxa dowladda hoose ee xamar ay ku riday.

Dhacdadan ayaa waxaa laga hadal hayaa magaalada muqdisho, kadib markii la yaab ay noqotay in Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya, loo ganaaxo qashin hor yaal gurigiisa.

Waa markii ugu horeysay oo ganaax lacageed lagu rido wasiir gurigiisa lagu hor arkay Qashin.