Yuusuf Garaad Oo Si Aan La Fileyn Kaga Hadlay Arrinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Yusuf Garaad Cumar wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si aan la fileyn uga hadlay arrinta xarigga cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna sheegay in uu ka xun yahay waxa dhacay.

Yuusuf ayaa ka gaabsaday cambaarreynta falkaas, ha yeeshee wuxuu sheegay in ay muhiim tahay la asturo meydka dhallinyaradii ilaallada u ahayd siyaasiga.
Si kastaba ha ahaatee wuxuu u tacsiyadeeyay Wasiirka qoysaska ay kasoo jeedeen dhallinyaradii ay gardarrada u dileen kooxdii weerartay guriga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee isagana xirtay.
Haddaba hoos ka akhriso qoraalka uu bartiisa Facebook soo dhigay wasiir Yuusuf Garaad Cumar.