Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo Maalinkii Labaad Xiran

Waxaa maalinkii labaad xiran qaar kamid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho eeĀ  caasimadda Soomaliya.
Wadooyinka xiran ayaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda Dowladda Soomaaliya,iyo kuwa booliska Dowladda Soomaliya.
Wadadda Makka Al-Mukarama, wadanaha, iyo wadooyin kale oo ku dhaw dhaw isgoyska KM4 ayaa xiran saakay.
Sidoo kale waxaa saakay xiran wadooyin ku yaala dhinaca waqooyi ee Magaaladda Muqdisho oo shalay furnaa.
Lama oga sababta keentay xirnaanshiyaha wadooyinka Magaaladda muqdisho.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jirto Cabsi laga qabo in ay banaanbaxyo ka dhacaan Magaaladda Muqdisho oo looga soo horjeedo Xarigga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, oo habeen hore ay hoygiisa weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.