Xildhibaan Mahad Salaad Muxuu Ka Yiri Weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa Facebook ga soo dhigay qoraal dheer oo uu kaga hadlayo arrintii xalay qabsatay siyaasi cabdiraxmaan Cabdishakuur Wersame.

Mahad ayaa si daggan ku bilaabay qoraalkiisa, wuxuuna u muuqday mid tacsiyo ah oo uu u dirayo ummadda Soomaaliyeed maadaama khasaarro uu geystay weerarkii lagu qaaday guriga siyaasiga.

xildhibaanka ayaa ka digay dagaal aad u adag oo uu galo dalka. maadaama Farmaajo iyo xertiisa ay bilaabeen ugaarsiga siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka mucaaradka.

“Waa cabburin bilow u ah keligii talisnimo cusub oo uu galayo dalka, kamana joogsan doonno in aan u hadalno dadka nalaga soo doortay” MAhad Salaad.